Uncategorized

Kulan amaanka looga hadlayo oo ka socda degmada Ceel-waaq ee gobalka Gedo.

Cee-waaq-KNN-Axmed Khaliif oo ka mid ah Saraakiisha milatariga Soomaaliya degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda kulmiye ayaa faah faahin ka bixiyay kulan amaanka looga hadlayo oo ka socda degmadaasi.

Sarkaalkaan ayaa sheegay in kulanka uu u dhaxeeyo Taliyaasha amaanka, Booliiska Nabad Sugidda iyo Milatariga maamulka Jubbaland iyo sidoo kale masuuliyiinta maamulka degmada Ceelwaaq ee gobalka gedo waxaana xooga lagu saarayaa amaanka gudaha degmada kadib markii ay sheegeen in ay dareeemeen xaalado la xariira dhinaca amaanka.

Sidoo kale kulanka ayaa la sheegay in ay ka qayb galayaan Saraakiil ka tirsan Milatariga Dowladda Kenya ee ku sugan degmooyin ka tirsan Gobalka Gedo waxaana la filayaa in go’aano laga soo saaro sida uu sheegay Axmed Khaliif oo ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Xoogga ee gobalka Gedo.

Degmada Ceel-waaq oo ku taala gobalka gedo ayaa sanadkii hore waxaa weerar culus ka fuliyay dagaalamayaasha Al-shabaab waxaana weerarkaas ku dhintay in kabadan 30 Askari oo ka tirsan Ciidamada Darawiishta maamulka Jubablanad, wixii ka dambeeyay markaas xaaladda degmada waxay aheyd mid degan.