Somali News

Taliyaha Asluubta”Ciidammo aan Boolis aheyn amaanka Muqdisho kama shaqeyn doonaan”

Muqdisho-KNN-Kulan looga hadlayay amniga gobolka banaadir ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho.

Kulankan waxaa ka qeybgalay Taliyaasha ciidamada Booliska, Asluubta iyo taliska sare ee ciidamada Booliska AMISOM.

Taliyaha Asluubta Jeneraal Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) ayaa waxa uu sheegay in xilligan wixii ka danbeeya aysan amniga caasimadda ka shaqeyn doonin ciidammo ka madax banaan Booliska.

Kulanka amniga looga hadlayay ayaa waxa uu kusoo aadayaa iyada oo galankii danbe ee shalay dhowr Isgoys oo Muqdisho ku yaalla la keenay ciidammo Boolis ah oo galaya booskii ciidamada xasilinta.