Somali News

Kulan hor dhac u ah arimaha doorashada oo maanta ka dhacaya Muqdisho

Guddiga Farsamada ee ka baaraan degida talooyinka la xiriira hannaanka arrimaha Doorashooyinka ee u xilsaaran dowladda Federaalka Somalia ayaa maanta lagu wadaa in ay kulan la yeeshaan xisbiyada siyaasadeed ee ka jira dalka iyo ururada bulshada rayidka ah.

Kulanka ayaa manta waxaa looga hadli doonaa arimaha doorashooyinka iyo sidii dalka ay ugu dhici laheyd doorasho lagu qanacsan yahay.

Sihayaha Wasiirka Dastuurka xukuumadda FS Saalax Axmed Jaamac ayaa  sheegay in inta aysan tagin gudigooda magaalada Dhuusamareeb ay xisbiyada iyo ururada bulshada rayidka kala hadli doonaan hanaanka doorasho ee dalka ka dhici karta iyo talooyin ku aadan doorashada.

 15 bishan oo ku beegan maalinta sabtiga ah  ayaa waxaa lagu balansan yahay in shir u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa Dowlad goboleedyada uu ka dhaco magaalada Dhuusamareeb