Uncategorized

Kulan ka dhacay Maaxas oo lagu go`aamiyay sidii Al-shabaab looga saaro G.Hiiraan.

Muqdisho-KNN-Saraakiisha  ciidamada xoogga Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan oo kulan ku yeeshay magaalada Maxaas ee gobolkaas ayaa isku afgartay in la xoojiyo amaanka guud ee gobolka gaar ahaan magaalada Maxaas islamarkana la bilaabo howlgal ka dhan ah Al shabaab si looga saaro deegannada ay ka joogan  gobolka Hiiraan.

Taliyaha ciidamada Booliska degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan Bashiir Faarax Cismaan (Darandoori) oo la hadlay KNN ayaa u  sheegay in la isku raacay in wada jir looga qeyb qaato xoojinta amaaanka magaalada Maxaas, islamarkana deegannada ku dhow degmada ee ay  ku suganyihiin Al shabaab laga saaridoono maalmaha soo socdo.

Wariyaha KNN ugu soo wadama Gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale soo sheegaya in magaalada Maxaas iyo magaalooyin kale ee Gobolkaas ka mid ah in hadda laga dareemayo dhaq dhaqaaq ciidan, oo ciidamada Xooga Soomaaliya iyo kuwa Jibuuti ee ka midka ah ciidamada middowga Afrika ee AMISOM ay ka wadaan degmooyinkaas.