Muqdisho-KNN-Waxaa Maanta ka socday waqooyiga gobolka Sool dadaallo lagu dhex-dhexaadinayo beelo uu dagaal ku dhex-maray deegaanka Hoostaga Magaalada Laasa Caanood ee Gobalka Sool.
Odayaal iyo Waxgarad ayaa ka qeyb galaya kulanka lagu heshiisiinayo beelaha ku dagalamay degaanada ka tirsan Gobalka Sool.
Dagaal beeleedyada dhexmara maleeshiyaadka wada dega qeybo ka mid ah Gobalka Sool ayaa salka ku heya dilal la xariira aanooyin Qabiil oo ka taagan halkaasi.
Gobolka Sool ayaa waxaa ku soo noq noqday dagaal Beeleedyo, iyadoona weli deegaano ka tirsan gobolkaasi ay ka taagan tahay xiisad u dhexeyso Beelo wada daga halkaasi.


