Uncategorized

Kulan lagu sagootinayay Jawaari oo xalay ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Kulan casho iyo sagootin ahaa ayaa xalay ka dhacay madaxtooyada Soomaaliya, kulankaas waxaa ka soo qeyb galay labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya, Maadxweynaha iyo xubno kale oo dowlada ka tirsan .

Kulankaas ayaa lagu sagootinayay guddoomiyihii golaha shacabka Maxamed Sheekh cusmaan Jawaari oo shalay kulankii baarlamaanka ka hor jeediyay khudbad uu aad kaga hadlay khilaafkii muddooyinkii dambe taagnay iyo iscasilaadiisa.

Dhamaan mas`uuliyiintii goobta ka hadlay ayaa bogaadiyay shaqadii adkeyn ee uu soo qabtay guddoomiye Jawaari, waxaa kaloo inta badan carabka lagu dhuftay in laga gudbo khilaafyadii jiray oo xildhibaanada baarlamaanka ay ku kala qeyb sameyn.