Somali News

Kulan lagu soo xirayo shirka Dhuusamareeb 3 oo ka socda magaalada Dhuusamareeb

Muqdisho-KNN-Waxaa magaalada Dhuusamareeb ka soconaya kulanka lagu soo geba gebeynayo shirka Dhuusamareeb 3.

Kulankan ayaa waxa uu u dhexeeyaa madaxda mamul goboledyada Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxaned Lafta gareen, Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish.

Sidoo kale madaxdweynaha dawlada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo masuuliyiin kale oo shirkii Dhuusamareeb 3 ka qayb galay ayaa kulank goob joog ka ah.

Shirkii Dhuusamareeb 3 ayaa xalay waxaa laga oo saaray warmurtiyed u badnaa qaabka doorasho ee dalka uu geli doono dabayaaqda sanadkan.

Waxaa xusid mudan in ay ka maqnaayeen madaxda maamullada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo qaadanacay ka qayb galka Shirkaasi.