Somali News

Kulan looga hadlay amniga doorashooyinka oo lagu qabtay Baydhabo

Maamulka Magaalada Baydhabo ayaa maalmihii ugu danbeeyey waxaa uu kulamo looga hadlaayo amniga maalmaha xoriyadda iyo doorashooyinka la qaatay bulshada qeybeheeda kala duwan.

Guddoomiyaha Amniga iyo Siyaasada Magaalada Baydhabo isaaq Maxamed Cali ayaa xalay kulamo la qaatay qaar kamid ah dhalinyatada magaalada isaga oo kala hadlay u diyaar garowga maalmaha xoriyadda iyo sidii ay dhalinyatada qeyb uga qaadan lahaayeen amniga guud ee doorashooyinka maadama xiligan uu dalku gelaayo marxalad doorasho.

Dhalinyarada ayuuna ugu baaqay in laamaha amaanka la shaqeeyaan inta lagu guda jiro maalmaha xoriyadda oo guud ahaan dalka oo dhan laga xusayo.

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hore u magacaabay guddi ka shaqeeya maalmaha xoriyadda kuwaas oo ka kooban wasiiro ka tirsan xukuumadiisa iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.