Uncategorized

Kulan looga hadlayo kaalinta dib u eegista dastuurka ee Gobolka Banaadir oo maanta Muqdisho ka dhacay.

Muqdisho-KNN-Kulan looga tashanayay dib u eegista dastuurka iyo sida ay uga qeybqaadan karaan maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka gobolka ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa kulanka goob joog ka ahaa wasiirka dastuurka iyo ku xigeenkiisa  , Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Ku Xigeenadiisa iyo Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka .

Cabdi Raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka Dastuurka Soomaaliya ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’antahay in wadashaqeyn wanaagsan ay la yeelato dhammaan dhinacyada ay hawsha kala dhaxeeyso.

“Markii aan xilka Wasaaradda la wareegnay waxa aan go’aan ku gaarnay abuuridda jawi wadashaqeyn oo aan la yeelanno hay’adaha dawladda ee an shaqo wadagga nahay, waxa aan aas-aasnay Madasha Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka ee Dawladda Dhexe iyo Dawlad Goboleedyada oo sedexdii bilba mar shira waxaana kulamo wadastashi ah la qaadanay madaxda sare ee Dawlad Goboleedyada oo aan ku booqanay Goboladooda. Heshiis wadashaqeyn ayaanu la galnay labada Guddi ee hawsho inaga la dhaxeeyso marwalbana heshiishkaas waanu ilaalineynaa dhankeenna; wadashaqeyn iyo iskuduubni ayay marwalba Wasaaradda ku dedaalaysaa si dib-u-eegista Dastuurka loogu soo gabagabeeyo muddo sanad ah waxaana Gobolka Banaadir dhinacooda ka sugeynaa wadashaqeyn wanaagsan”ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa waxaa uu ka dalbaday Wasaaradda dastuurka in ay joogteyso kulamada lagula tashanayo shacabka ku nool Gobolka Banaadir .