Somali News

Midowga Musharaxiinta oo ku gacan seyray fariin loogu soo dhiibay Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe

Muqdisho-KNN-Faahfaahino dheeraad ayaa laga helayaa kulan xalay dhexmaray Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabeelle, kaas oo ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka degan yahay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, balse natiijo la’aan ku soo dhamaaday.

Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ayaa Midowga Musharaxiinta xalay kulankaas kula wadaagay fariin ay uga wadeen madaxweyne Farmaajo, taas oo ah in Farmaajo uu kulan gaar ah la yeesho musharaxiinta, balse waa ay ku gacan seyreen dalabka madaxweyne Farmaajo, sida aan xogta ku helnay.

Intii kulankaasi socday waxaa la sheegay in Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu isaga baxay, kadib markii Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe ay ula yimaadeen musharaxiinta fariin aysan ka sugeyn, maadaama horay loogu balamay go’aankooda ku aadan mudo kororsiga Farmaajo ay ka cadeeyaan shirweynaha beelaha Hawiye ay iclaamiyeen Isniinta berri ah.

Intaas kadib waxaa lagu kala dareeray kulankii ay xalay isugu yimaadeen Midowga Musharaxiinta, Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe, waxayna musharaxiintu si cad u diideen inay aqbalaan dalabka madaxweyne Farmaajo ee ah inuu la kulmo.