Muqdisho-KNN-Waxaa goordhaw xarunta Villa Hargeysa ka furmay kulankii gaarka ahaa ee su’aalo weydiinta wasiirrada Amniga iyo Gaadiidka iyo Duulista Hawada. Maxamed Abukar Isloow Ducaale iyo Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar.
Kulanka waxaa shir guddoominaya guddoomiye ku xigeenka koobaad ee Golaha Shacabka Mudane Abdiweli Ibraahim Sheikh Muudey.
Waxaana Kulanka soo xaadiray 120 mudane oo ka mid ah xildhibanada golaha shacabka.
Ajendaha kulanka ayaa ah su’aalo weydiinta wasiirka Amniga Maxamed Abukar Isloow Ducaale iyo Gaadiidka Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar.
Waxaana wax laga weydiin doonaa wasiir Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar , xayiraaddii la saaray madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xilbaanno kuwaas oo iyagana lagu xayiray magaalada Kismaayo
Halka wasiirka Amniga Maxamed Abukar Isloow Ducaale isna wax laga weydiin doono xaalada amniga dalka gaar ahaan caasimada iyo gobalada dalka.


