Somali News

Kulanka Baarlamaanka Puntland oo goordhow Furmay

Kulanka baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland ayaa goordhow ka furmay magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa haatan khudbad ka horjeedinaya golaha wakiilada ee Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa hadlaya qorshayaasha kala duwan ee u degsan xukuumaddiisu in ay fuliso, gaar ahaanna barnaamijka doorashooyinka xisbiyada badan.

Baarlamanka waxa horyaalla ajandayaal kala duwan, oo ay ku jiraan doorashada xubnaha Aqalka sare iyo ka doodista heshiiska horumarinta dekedda Boosaaso ee DP World oo aan waxba ka fulin.