Uncategorized

Kulanka Golaha shacabka ee maanta baaqday oo berri loo balamay.

Muqdisho-KNN-Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegaya in kulankii maanta baaqday ee Xildhibaanada loo balamay Khamiis 12-Bishaan oo ku beegan maalinta berri ah.

Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka ayaa kNN u xaqiijiyay in loo soo diray fariimo loogu sheegayo in ay berri 9:00 Am ay soo xaadiraan waxaana fadhiga khudbad looga dhageysanaya Gudoomiye Jawaari oo dhawaan xilkaan iska casilay.

Lama shaacin sababtii maanta dib loogu dhigay kulanka Xildhibaanada waxaana wali su’aalo la iska weydiinayaa sababta dib u dhaca kulankii maanta.

Guddoomiye Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa shalay sheegay in maanta xilka wareejin doono maadaama uu iska casilay hogaanka Golaha shacabka Soomaaliya.

La soco wixii ku soo kordha.