Somali News

Kulanka Golaha Shacabka oo maalintii 2aad baaqday

Muqdisho-KNN-Waxaa goordhow la xaqiijiyay in maanta uu baaqday 3aad ee Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya sida lagu sheegay barta Facebook ee Golaha Shacabka.

Golaha Shacabka ayaa maanta warbixin ka dhagaysan lahaa Guddiga dib u eegista Dastuurka Soomaaliya iyo hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa shaaciyay in Kooram la’aan uu u baaqday fadhiga Golaha Shacabka, guddoonkana uu xaqiijiyay iyadoo aan baarlamaanka furmin.

Waa kulankii labaad ee uu Todobaad gudihiis baaqdo tan iyo markii uu furmay kal-fadhiga 5aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.