Somali News

Kulanka Golaha shacabka oo maanta baaqday.

Muqdisho-KNN-Kulanka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa la sheegay inuu baaqday kulankooda. .

Sababta uu u baaqday kulanka ayaa waxaa  ay xildhibaanada ku sheegeen in ay tahay Kooram La’aan awgeed.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka ayaa maanta  ajandahooda waxaa uu ahaa sii wadista ka doodista xeer hoosaadka baarlamaanka.

Xildhibaanada qaar ayaa waxaa ay ku baaqeen in wax laga qabto Mudanayaasha Mararka qaar ka maqan kulanka Golaha Shacabka, islamarkaana sharciga la horgeeyo.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa waxaa ay sheegeen in arimahan oo kale ay dhibaato abuuri karto.

Arintan ayaa waxaa la sheegay in muran uu ka dhashay,  kaasi oo u dhexeeya Gudoonka Golaha shacabka iyo Xildhibaanada Golahaasi.