Muqdisho-KNN-Waxaa maanta kooram la’aan u baaqday kulanka Golaha shacabka ee Baarlamaanka soomaaliya oo ay ku yeelan lahaayeen magaalada muqdisho, kaasi oo la doonayay in looga hadlo hindise sharciyeedka duulista iyo saadaasha hawada, islamarkaana uu goob joog ahaa wasiirka wasaaraddaasi Maxamed Cabdullahi Salaad Oomaar.
Sida la sheegay Seddex meelood laba meel ayaa ka maqnaaa kulanka maanta ay yeelan lahaayeen xildhibaanada Golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya, taasina ay keentay in kooram la’aan uu u baaqdo.
Guddoomiyaha Golaha shacabka ee baarlamaanka soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay inaysan suurta gal ahayn in maalin waliba uu kulanka golaha shacabka uu u baaqdo kooram la’aan maanta wixii ka dambeeyana la shaacin doono xildhibaanada kulanka ka maqnaada.


