Somali News

Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Maanta baaqday.

Muqdisho-KNN-Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya  ayaa xalay lagu Wargeliyay in Maanta oo sabti ah uu baaqday kadib markii waqti ka sii horeeyay fariimo loo diray taasi oo ku aadaneed in ay maanta isaugu yimaadaan, hayeeshee la baajiyay maanta.

Kulanka Golaha shacabka ayaa loo balamay in maalinta Isniinta oo ku beegan 14-ka Janaayo 2019, iyadoona xildhibaanada lagu wargeliyay xildhibaanada ka maqan dalka ay dib ugu soo laabtaan, waxaana la sheegay in kulanka uu u baaqday kooram la’aan

Ilaa iyo hada lama oga sababta uu baaqday kulanka Golaha shacabka ee Baarlamaanka soomaaliya.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa KNN u sheegay in maalmaha soo socda la soo xiri doono Kalfadhiga Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.