Muqdisho-KNN-Waxaa maanta xarunta Golaha Shacabka ka soconaya kulan ay leeyihiin Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa shir gudoominaya Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdi Raxmaan.
168 Mudane ayaa maanta soo xaadiray kalfadhiga Golaha Shacabka, iyagoona si aad ah ugu doodaya Xaalada Amaan ee Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Wariyaha KNN ee Ku sugan xarunta Golaha Shacabka ayaa Soo sheegaya in dooda ay tahay mid adag, islamarkaana Xildhibaanada ay si kulul ugu hadleen dhibooyinka amni daro ee ka jira Magaalada Muqdisho.


