Somali News

Kulanka Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka oo furmay

Waxaa si rasmi ah u furmay kulanka labada aqal ee Xildhibaanada  Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, xili uu wali taagan yahay khilaafka Xildhibaanadii lagu soo kala doortay Gobolka gedo.

Kulamada Xildhibaanada labada gole waxaa shir guddoonminaya guddoonka golahaas ee dhawaan loo doortay, waxaana uu ajenduhu yahay maanta ka doodista doorashada Xubnaha guddiga isku dhafka labada Aqal  ee BFS ee qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha 10-aad ee JFS.

Sidoo kale, Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa in ay soo saaraan guddi labada gole ee Baarlamaanka ah oo ka shaqeeya qaban qaabada doorashada Madaxweynaha JFS iyo ku dhawaaqista xilga la qabanayo.

Kulanka Xildhibaanada ee Golaha shacab waxaa maanta xaadiray Xildhibaanada lagu soo doortay Magaalalada Garbahaarey, iyadoo aan wali wax xal ah laga gaarin khilaafka xubnihii lagu soo kala doortay Magaalooyinka Garbahaarey iyo Ceelwaaq oo ka tirsan Gobolka Gedo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa hore u sheegay in waxksta ay ka hormarin doonaan qabsoomida doorashada Madaxweynaha JFS, balse xal u helida khilaafka ka taagan xildhibaanada Gedo uu ku saleyn doono Sharci iyo wadatashi.