Uncategorized

Kulankii Baarlamaanka Soomaliland oo maanta u baaqday kooram la’aan.

Hargeysa-KNN-Wararka ka imaanaya Magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Soomaali-land ayaa soo sheegaya in maanta uu kooram la’aan u baaqday kulankii Golaha wakiillada ee Somaliland oo maanta lagu dooran lahaa Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka Maamulka Somaliland oo ay u taagan yihiin Ilaa 10 Murashax oo ka tirsan Maamulkaasi.

Kulanka ayaa waxaa soo xaadiray 27 Xildhibaan oo kaliya,waxaana intaas kaddib Xildhibaannada fasaxay guddoomiyaha doorashadiisa muranka ka taagan yahay ee Baashe Maxamed Faarax maadaama uusan kooramku dhameyn tiradii loo baahnaa.

Xildhibaannada baaqday ayaa la rumeysan yahay in ay taageersan yihiin Xildhibaan C/raxmaan Maxamed Talyanlle oo guddiga doorashada guddoonka Somaliland ay 6dii Bishan sheegeen in uu doorashada ku guuleystay taas oo muran badan ka dhashay ilaa hadana aanan xal loo helin.

Baashe Maxamed Faarax,ayaa Xildhibaannada kulanka maanta yimid u sheegay in fadhiga fasaxyahay,sidoo kalena ay isku soo laabtaan Arbacada soo socota inta ka horreysana uu Baarlamaanku fasaxanyahay.

Doorashada Gudoonka Soomaaliland ayaa wali waxaa ka taagan muran iyadoo la sheegay in wali xal loo raadinayo murankii arintaasi ka dhashay.