Uncategorized

Kulankii Xildhibaanada Aqalka Sare ee ay kaga Doodayeen Arrinta Qalbi-dhagax oo dib loo dhigay

Muqdisho–KNN– Xarunta ay ku shiraan Xubnaha Aqalka Sare ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa ka dhacay Kulan ay yeesheen Xildhibaanada Aqalka Sare islamarkaana uu Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Kulanka ayaa ahaa mid Shalay la sii shaaciyay,laguna sheegay in looga hadli doono Go’aankii Xukumadda Soomaaliya ay ugu Wareejisay Dowladda Itoobiya C/kariin Shheekh Muuse Qalbi-dhagax inuu Sax yahay iyo inuu Qalad yahay intaba.

Kulanka Maanta ay yeesheen Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa ku kala Aragti duwanaaday ka Doodista Arrintaas,waxaana Xildhibaanada Qaar ay soo jeediyeen in Ajendaha Maanta laga saaro ka doodista Go’aanka Xukumaddu ay ku Wareejisay Qalbi-dhagax halka kuwo kalena ay sheegeen in ay doonayaan in isla Maanta Arrintaas laga doodo.

Intaas ka dib ayaa Guddoonka Aqalka Sare uu ku dhawaaqay in Cod loo qaado in Ajendaha Maanta lagu daro Arrinta Qalbi-dhagax iyo in Dib loo dhigo.

21 Xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare ayaa u codeysay in dib loo dhigo kiiskan, isla markaana laga saaro ajandaha maanta lagana War sugo Golaha Shacabka Go’aanka ay ka qaataan Maadaama Kiiskaan uu hadda Horyaallo, halka 11 Xildhibaan ay diiday, waxaana ka aamusay 4 Xildhibaan.