Uncategorized

Kulankii Xildhibaanada Aqalka Sare oo furmay iyo Dood socota

Muqdisho–KNN– Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa hadda kulan ay uga doodayaan Khilaafka u dhexeeya madaxda Maamul Gobolleedyada iyo Dowladda Dhexe waxaa ay ku leeyihiin Xarunta ay ku shiraan Ee Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ayaa siyaabo kala duwan uga dooday Khilaafka iyo waxa uu salka ku hayo,iyadoo weli ay socoto Daada ay leeyihiin Xildhibaanada Aqalka Sare.

Sanatarada kala ah Jawaahir Axmed Cilmi,Xasan Faarax Xujaale iyo Sanatar C/risaaq Cismaan Xasan Jurile ayaa dhamaantood sheegay in Maamul Gobolleedyada ay Shiraan ay Xaq u leeyihiin islamarkaana aysan jirin wax u diidaya in ay Aayahooda ka shiraan.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in Daladda Iskaashiga Maamul Gobolleedyada ay ku dhisantay cabsi gelin uga timid Dhanka Dowladda federaalka oo ay is difaac ku jiraan  Madaxda maamul Gobolleedyada.

Dhanka kale Qaar kamida Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa sheegay in aysan Adduunka ka jirin wax la yiraado Golaha Iskaashiga oo ay sharci daro yihiin Hogaamiyaasha Maamul Gobolleedyada ee ku midoobay Daladda Golaha Iskaashiga Maamul Gobolleedyada.

Inkastoo weli uu kulanku soconayo ayaa haddana waxaa Kulankaan uu imaanayaa Xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu Madaxda Maamul Gobolleedyada Shir isugu yeeray in ay isugu yimaadaan Magaalada Muqdisho 28-ka Bishaan.