Somali News

Kulaylka ku dhuftay Faransiiska oo lasheegay in ay u dhinteen dad ka badan 1,000 qof

Muqdisho-KNN-Iyadoo la hadleysay Idaacad ku taala faransiiska ayaa Agnes Buzyn waxaa ay sheegtay in kala bar dadka kulaylka u dhintay ay da’doodu ka weyntahay 75 sano.

Laakiin Wasiir Agnes waxay sheegtay in la sameeyay talaabooyin ka hortag ah islamarkaana uu tirada dadka u dhintay kulaylka ay 10 jeer ka hooseeyso 2003 dii oo kulayl dad badan laayay uu ku dhuftay Europe.

Bishii June ayaa faransiiska waxay u ahayd kulaylkii ugu darnaa ee abid wadanka soo maray.Caasimadda Paris ayaa si gaar ah waxay Bishii July gaartay meshii ugu sarreysay heerkulka oo ahaa 42.6 darajo.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadku 567 qof ayaa dhintay intii u dhaxaysay 24kii June yo 7dii July, halka 868 qofna waxay dhinteen intii u dhexeeysay 21kii iyo 27kii July. Xilliyadaasi waxay ahaayeen labadii waji ee kulaylka ku dhuntay faransiiska.