Somali News

Kumaandooska Soomaaliya oo weeraray fariisin Al-shabaab ku leeyihiin Sh/Hoose

Awdhiigle-KNN-Ciidamo katirsan Kumaandooska Soomaaliya ayaa xalay weerar ku qaaday fariisin ay Al-shabaab ku lahaayeen degaanka Daaru-salaam ee degmada Awdhiigle  waxaana ka dhashay khasaare ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo isugu jiray weerar duqayn ah iyo dagaal toos ah ayaa la sheegay in lagu dilay xubno katirsan dagaalamayaal katirsan Al-shabaab sida ay sheegayn Saraakiisha amaanka.

Goob joogayaal ayaa sidoo kale KNN u sheegay in xalay ay maqleen dhawaaqa wax culus iyo dagaal muddo socday kaas oo u dhaxeeyay Al-shabaab iyo Ciidamo diyaarado wata oo soo weeraray.

Ma jirto wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay mas’uuliyiinta Milateriga Soomaaliya iyo hey’adaha amaanka oo ka hadlay weerarkaan xalay ka dhacay degmada Awdhiigle ee Gobalka Shabeelaha Hoose.