Somali News

Kumanaan arday Soomaali ah oo ku dhacay imtixaanka dugsiga sare ee Itoobiya

Maamulka Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa baahiyay natiijada ardeydii gashay imtixaanka dugsiyada sare ee sanadkaan.

Balse natiijada ay baahisay wasaaradda waxbarashada ayaa noqotay mid aad uga fog waxa dad badan laga yaabo inay ka filayeen.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada Dowlad Deegaanka Cabdullaahi Cabdi Aadan ayaa sheegay in wax ka badan 99% ardeydii gashay imtixaanka ay ku dhaceen.

Guud ahaan ardeyda u fariisatay imtixaanka aya wasaaraddu sheegtay in ay ahaayeen 21,787 ardey. Balse waxaa baasay 74 ardey oo kali ah.