Somali News

Kumanaan dad Barakacayaal ah oo guryahoodii looga saaray si khasab ah

Muqdisho-KNN-In ka badan 70,000 oo barakacayaal ah oo badankood ku barakacay gudaha dalka, ayaa si khasab ah looga saaray guryahooda oo ku yaallay dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya, gaar ahaan bilihii ugu darnaa ee uu socday cudurka Fayraska Corona, sida ay sheegtay warbixin ay soo saareen Golaha Qaxootiga ee dalka Norway.

“Dadka laga saaray guryahoodu ma haystaan nabadgelyo. Dad badan ayaa shaqadoodii ku waayey musiibada oo waxay ku noqdeen hoy la’aan, gaajo iyo baahi daran. Khatarta caafimaad darrada waa inaan ka wada shaqeyno sidii aan u difaaci lahayn dadka oo dhan, ayay tiri Evelyn Aero, oo ah La Taliyaha Gobolka ee Kaaliyaha Sharciga ee Golaha Qaxootiga Norway ee magacooda loo soo gaabiyo (NRC) .

Gudaha Soomaaliya, ka saarista ayaa khatar joogto ah ku ah bulshooyinka nugul, oo ay ku jiraan dadka soo barakacay ee ku nool deegaannada iyo magaalooyin dadku ku badan yihiin. Sanadkii 2019, inka badan 260,000 oo qof ayaa si khasab ah looga saaray guryahooda, oo ay ka mid yihiin in kabadan 150,000 oo ku suganaa magaalada caasimada ah ee  Muqdisho oo keliya, sida lagu sheegay warbixinta.

In kasta oo tiradu hoos u dhacday sanadkan, ku dhawaad 65,000 oo qof ayaa laga daad gureeyay illaa hadda, oo ay ku jiraan 33,000 oo ku sugan magaalada Muqdisho. In ka badan kaladh ee dadkaasi ayaa laga saaray guryahoodii tan iyo markii lagu dhawaaqay masiibada Covid19.

Gudaha Itobiya, masuuliyiinta dawlada hoose ee Addis Ababa waxay burburiyeen guryo badan oo loo haystay inay si sharci darro ah uga dhisnaayeen barakacayaasha, taasoo ka dhigtay ku dhawaad 1000 qof hoy la’aan taas oo dhacday bishii April gudaheeda.

Kenya, mas’uuliyiintu waxay diideen amarrada maxkamadda waxayna si qasab ah uga saareen in kabadan 7,000 oo qof dhul ku yaal Kairobangi iyo deegaanno kale aan rasmiga ahayn oo ku yaalla Nairobi.