Muqdisho-KNN-Tobonaan kun oo ruux ayaa wali wada dibadbaxyadii ay ka dhigayeen Caasimada dalka Sudan ee Khartuum.
Dibadbaxa maalintii Jimcaha ka dhacay Khartuum ayaa imaanaya maalin kadib markii ay Golaha Mlititariga dalkaasi sheegeen in dadka wali horfadhiya afaafka hore ee xarunta Militariga ay qatar ku yihiin amniga.
Muuqaal ay Jimcihii Ciidamada soo dhigeen bartooda Facebook’ga ayaa muujinayay wiil yar oo dhagaxeynaya mid ka mid ah gawaarida Ciidanka.
Balse mucaaradka ayaa Militariga ku eedeenaya in ay hanjabaad u adeegsanayaan sidii ay u kala diri lahaayeen dibadbaxyaasha isbadal doonka ah ee wali hortuban xarunta Militariga Suudaan.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobe Antonio Guterres ayaa dhankiisa sheegay Jimcihii in labada dhinac looga baahanyahay in ay dib ugu soo laabtaan miiska wadahadalka si loo gaaro xal xukunka loogu wareejiyo shacabka.