Somali News

Kumanaan ruux oo lagu la’yahay Duufaantii ku dhufatay jasiirada Bahamas.

Muqdisho-KNN-Masuuliyiinta jasiirada Bahamas ayaa sheegay in dadka gaaraya 2,500 oo ruux loo diiwaan galiyay in lagu la’yahay Duufaantii dhawaantan ku dhufatay halkaasi.

Xogtan wali lama hubin in ay ka hor imaaneeso tan ay dowladdu diyaarisay, balse afhayeen u hadlay waaxda gurmadka deg dega ah ayaa tiradani ka sheegay shir jaraa’id uu qabtay.

Kumanaan ruux ayaa haatan hoy la’aan ku ah jasiirada, iyadoona masuuliyiintu dadka ku dhintay Duufaanta ay gaarsiinayaan 50 ruux.

Dadka qaar ayaa sheegay in waqti xaadirkan ay baadi goob ugu jiraan qaar kamid ah eheladooda iyo asxaabtooda oo raq iyo ruux toona aysan ku haynin.

Hay’adaha gargaarka ayaa sheegaya in gar gaar deg deg ah ay u baahan yihiin kumanaan ruux oo ay saamayn ku yeelatay Duufaanta.