Uncategorized

Kumanaan Tahriibayaal Soomaali ay ku jirto oo Libya lagu xir xiray.

Tripoli: Dawlada Libya ayaa sheegtay inay xir xirtay in ka badan 3 kun oo ruux oo tahriibayaal ah oo doonayay inay safar dhanka badda ah u galaan dalalka Yurub.

War kasoo baxay dawlada caalamku aqoonsanyahay ee dalka Libya ka jirta ayaa lagu sheegay in hawlgal ciidamadu ka sameeyeen magaalada Sabratha inay qabteen dad tiradooda lagu sheegay 3, 150 ruux oo tahriibayaal ah oo xarumo kala duwanaa ugu xirnaa dadka dadka tahriibaya.

Basiim Qarabli oo ka tirsan ciidamada Libya ayaa warbaahinta dalkiisa u sheegay in dadka la xir xiray ay badankood kasoo jeedaan wadamada bariga Africa sida Soomaaliya, Eritrea iyo Ethiopia inkastoo ay ku jiraan dad kale oo kasoo jeeda dalalka kale ee Africa iyo kuwa Carabta.

Sargaalkaan waxaa uu sheegay intii uu socday hawlgalka ka dhanka kooxaha dadka tahtiibaya oo Sadex todobaad qaatay inay ku dhinteen 40 ruux halka ay ku dhaawacmeen 300 oo kale.

Saraakiisha ciidamada Libya ma ay shaacin tirada dadka Soomaalida ah ee ay xireen hase ahaatee Soomaali badan ayaa ku sugan wadankaasi kuwaasoo sugaya inay doonyo ka racaan si ay Yurub u tagaan.

Magaalada Sabratha oo qiyaastii 70 km dhanka galbeed u jirta caasimada Libya ee Tripoli waa halka ugu badan ee lagu ururiyo dadka tahriib doonka ah inta ay doonyaha raacin.