Uncategorized

Kun qof oo la xaqiijiyay in ay ku dhintayn Dhoobadii ka dhalatay Roob-kii ka da’ay Sierra Leone.

Muqdisho-KNN-Waxaa aad usii korartay tirada dadka ku dhintay Dhoobo ka dhalatay Roob xoog leh oo ka da’ay duleedka Magaalada Freetown ee Xarunta Dalka Sierra Leone iyadoo ay warbaahinta caalamka ka qorayaan dhacdooyin Xanuun badan.

Shaqaalaha Gurmadka deg degga ah ayaa wali qaba tuhun la xiriira in ay dad badan maqanyihiin, waxaana socda baadi goob badan.

14kii Bishan ayey musiibadaas ka dhacday Dalka Sierra Leone,waxaana dowladda ay xilligaas sheegtay in 450 Qof ay dhimatay 600 kalena la la’yahay.

Hay’adda ka hortagga Musiibooyinka Dowladda Sierra Leone,ayaa sheegtay in hadda la aasayo 1,000 Qof oo ka mid ah Dadka ilaa hadda la xaqiijiyay magacyadooda iyo ehelkooda.

Wali waxaa dalkaasi ka socda Baaritaanka dad kale oo wali maqan kuwaas oo la aaminsan yahay in ay ku dhinteen Dhoobadaasi.