Somali News

Kuraastii ugu dambeysay ee ku harsaneyd Hirshabeelle oo la shaaciyay

Qoraal kasoo baxay xalay Guddiga maamulka doorashada Hirshabeelle ayaa lagu shaaciyay Jadwalka dooraahada kuraastii ugu dambeesay ee taalay Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oooseddex ah.

Kuraasta la shaaciyay mid ka mid ah waxaa hore ugu fadhisay Xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi taas oo magaalada Beledweyne xili ay ku sugneed qarax ismiidaamin lagu dilay, xili ay waday olole ku aadan sidii ay dib ugu soo laaban lahayd doorashada kursigaas, waxaana uu tirsigiisu yahay HOP#135.

Kuraasta uu Guddiga doorashada Hirshabeelle soo saaray jadwalkooda  ayaa kala ah HOP#141, HOP#146 iyo HOP#135.

Kursiga HOP141, waxaa hore ugu fadhiyay Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow halka kursiga HOP#146 uu hore ugu  fadhiyay wasiirka amniga gudaha soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Sidoo kale, kursiga HOP#135, ee ka mid ah kuraasta jadwalkooda la shaaciyay, waxaa hore ugu fadhisay Allah ha unaxariistee Xildhibaanad Aamino Maxamed Cabdi oo lagu xasuusto inay ahayd tiirkii cadaaladda iyo inay ka hadasho marxalada cakiran uu dalka ku jiray.

Qoraalka ka kasoo baxay Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa lagu shaaciyay in doorashada kuraastaas ay dhici doonto  28-ka ilaa 30-ka bishaan April.

Sidoo kale, Guddiga ay sheegay in maalinta beri ay diiwaangelin doonaan musharixiinta u taagan doorashada kuraastaas, iyagoo sidoo kale shaacin doona Guddiga soo xulaya Ergada kursastaas.

Musharixiin dhowr ah ayaa u taagan qabashada doorashada kuraasta saddexda uu shaaciyay Guddiga doorashada Hirshabeelle, iyadoo Guddiga ay hore u qabteen doorashada kursiga HOP#009, waxaana ku guuleystay doorashadiisa Cali Xasan Ibraahim (Cali Gaab) isaga oo kHia guuleystey xildhibaankii hore ugu fadhiyay kursigaas Sheekh Cabdirsitaar Cabdsalaan Sh.Xasan Barsane.