Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Golaha shacabka Ahna Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabadiraxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowladda Ingiriiska ee fadhiya Soomaaliya David Concar waxaa ayna kawada hadleyn xoojinta xiriirka saxiibtinimo ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ingiriiska.
Safiirka ayaa marka hore kusimaha madaxweynaha ahna guddoomiyaha golaha shacabka uga warbixiyay taageerada ay mar walba soomaaliya siiso isagoo sheegay in Uk ay sii kordhineyso,waxaana uu aad u ammaanay horumarada kala duwan ee dalka ka socda.
Waxyaabaha labada dhinac ay aadka uga wada hadleen waxaa sidoo kale ka mid ah arrimaha bani’aadanimo ee Soomaaliya iyo sidii dowladda ingiriiska uga qeyb qaadan laheyd caawinta dadka gudaha dalka ku barakacay.
Sidoo kale waxay ka wada hadleen arrimaha siyaasadda gaar ahaan doorashooyinka ka qabsoomi doona Soomaaliya iyo sidii ay u noqon lahaaayeen doorashooyin qof iyo cod ah,waxaana Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu dowladda ingiriiska uga mahad celiyay taageerada ay mar walba ay siiso dadka Soomaaliyeed iyo Dowladooda.
Ugu dambeyn Kusimaha Madaxweynaha Soomaaliya Ahna Guddoomiyaha Golaha shacabka iyo safiirka Dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya David Concar ayaa ugu dambeyn isla soo hadal qaaday Arrimaha amniga iyo garsoorka dalka iyo sidoo kale sidii Dowladda Ingiriiska ay uga qeyb qaadan laheyd horumarinta hay’adaha garsoorka ee dalka.