Somali News

Kusimaha Raysal wasaaraha dalka Mahdi Guuleed oo la kulmay guddigii loo magacabay weerarkii ka dhacay Xabsi Dhexe

Muqdisho-KNN-Ku simaha xilka raysal wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta waxa uu magaalada Muqdisho kulan kula qaatay guddigii loo magacaabay weerarkii ka dhacay Xabsiga Dhexe ee Xamar.

Kulankan ayaa ahaa mid uu guddiga ay uga war bixinayeen hordhacii ka soo baxay baaritaanka weerarkii Xabsiga Dhexe ee Xamar lagu qaaday.

Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, ku simaha xilka raysal wasaaraha dalka ayaa waxa uu guddiga ka dalbaday in ay xqiiqda iyo cadaaladda ay ku saleeyaan baaritaankooda.

Sidoo kale Waxaa la sheegay in la magaacabey guddi hoosaad ka shaqeeya dardar gelinta baaritaanka lagu wado weerarkaasi.