Somali News

Kuuriyada Koonfureed oo Digniin u Dirtay Diyaaradaha Ruushka.

Muqdisho-KNN-Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in diyaarad military oo laga leeyahay dalka Ruushka ay kusoo xad gudubtay hawadeeda.

Wasaaradda difaaca ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in diyaaradan uu nuuceedu ahaa A-50 ay kusoo xad gudubtay hawadooda maanta oo Talaado ah.

Ruushka ayaa beeniyay in diyaaradihiisa ay ku xad gud been hawada dalka Koonfur Kuuriya.

Ruushka waxa uu sheegay in diyaaradihiisu ay dul marayeen biyaha caalamig ah.

Dhacdadaan ayaa ah tii ugu horeesay oo nuuceeda ah oo dhax marta dowladaha Ruushka iyo Kuuriyada Koonfureed.

Militariga Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in mid kamid ah diyaaradaha Ruushka ee kusoo xad gudbay hawadooda ay qayb ka ahaayeen sadax diyaaradood oo Ruush ah iyo labo diyaaradood oo shiinaha laga leeyahay .

Balse majiro wax war ah oo wali kasoo baxay dhanka Shiinaha.