Uncategorized

Kuuriyada Waqooyi” Hadalka Trump “eey ciyay kama duwana”

Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Dagaalameyaasha Al-shabaab ay Qarax Miino la beegsadeen Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM oo marayay inta u dhaxeysa Degaanka Cali-fooldheere iyo Degmada Mahaddaay oo ka wada tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu Haleelay Gaari ay wateen Ciidamada AMISOM sida ay Xaqiijiyeen Goobjoogeyaal ku sugan halkaasi.

Dhanka kale War lagu Qoray Warbaahinta Taageerta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in Al-shabaab ay Gubeen Gaari Taw-ah oo ay wateen Ciidamada AMISOm.

Ciidamada AMISOM ee Weerarka Qaraxa ah lagu qaaday ayaa la sheegay in ay ka soo baxeen Fariisin ay ku leeyihiin Degaanka Cali-Fooldheere kuwaas oo u soo socday Degmada Mahaddaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ma jirto weli wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ciidamada AMISOM oo ay uga hadlayaan Qaraxa loo dhigay Kolonyada ka tirsan Ciidamada Midawga Afrika Ee AMISOM.