Somali News

Kuuriyada Waqooyi oo ku hanjabtay inay tijaabi doonto gantaalo casri ah.

Muqdisho-KNN-Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Ki Jong-un ayaa sheegay in dalkiisa uu tijaabin doono gantaalo casri ah kadib markii uu idlaaday waqtigii uu ku ekaa heshiiskii ay kula jireen dowladda Mareykanka.

Mr Kim waxa uu sheegay in dalkiisa uu sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo bandhigi doono “hanaan cusub oo hub ah”.

Wadahadala Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa istaagay kadib markii Washington ay diiday in ay xayiraadaha ka qaado Kuuriyada Waqooyi tan iyo inta ka bur burineeso warshadaheeda soo saara hubka Niyukleerka.

Kuuriyada Waqooyi ayaa gantaalo yar yar tijaabinaysay tan iyo dhamaadkii sanadkii tagay ee 2019 kuwaas oo u muuqday in ay cadaadis ku saareeso Mareykanka.