Muqdisho-KNN-Kuuriyada Waqooyi ayaa sharci daro ku tilmaamtay markab ay dhawaantan ka qabsatay dowlada Mareykanka iyadoona ka dalbatay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay kusii dayso.
Waaxda Cadaalada ee dowlada Mareykanka ayaa todobaadkii hore sheegtay in markabka laga qabtay waqooyiga Kuuriya uu ku xad gudbay cunaqabateentii caalamiga ahayd oo ay saartay Qaramada Midoobe.
Wakaalada wararka ee Waqooyiga Kuuriya ayaa afhayeen u hadlay Wasaarada arimaha dibada oo aan magaciisa lashaacinin kasoo xigatay in Mareykanku uu dhankiisa ku xad gudbay heshiiskii sanadkii hore Singapore ku dhex maray madaxwaynayaasha labada wadan.
Waa markabkii ugu horeeyay oo laga leeyahay Waqooyiga Kuuriye oo ay Mareykanku qabtaan tan iyo markii uu xumaaday xiriirka labada dal.
Kuuriyada Waqooyi dhawr gantaal tijaabisay wixii ka danbeeyay markii uu natiijo la’aan kusoo idlaaday Kulankii labaad oo ay hogaamiyaasha Kim Jong-un iyo Donald Trump bishii February ku yeesheen dalka Vietnam.