Somali News

Kuuriyada Waqooyi oo Qaramada Midoobe ka dalbatay in ay dhinto gar gaarka ay siiso.

Muqdisho-KNN-Kuuriyada Waqooyi aya sheegtay in Qaramada Midoobe looga baahan yahay in ay dhinto shaqalaheeda heerka caalami ee ka hawl gala dalkeeda.

Kuuriyada Waqooyi ayaa ku sheegtay sababta loo dhimayo shaqaalaha in ay tahay in ay ku fashilmeen hawlaha gar gaar oo ay halkaasi ka hayaan.

Codsiga warqadda Kuuriya Waqooyi ugudbisay ayaa waxaa aragtay wakaalada wararka ee Reuters maalinnimadii arbacada.

Kuuriyada Waqooyi waxa ay doonaysa in shaqaalaha gargaarka ee hay’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan horumarinta laga dhimo lixda shaqaale hal ama labo kamid ah halka WHO ladoonayo in laga dhimo lixdeeda shaqaale afar kamid ah iyadoona hay’adda Qaramada Midoobeu qaabilsan dhanka caruurtana ladoonayo in 13’keeda shaqaalaha ah laga dhimo hal ama labo kamid ah.

Warqaddan ayaa waxaa Qaramada Midoobe u qoray xog hayaha guud ee Gudiga Iskaashiga Qaranka Kuuriyada Waqooyi Kim Chang Min.

Balse Qaramada Midoobe ayaanan wali wax jawaab ah ka bixinin codsiga Pyongyang.