Somali News

Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay gantaal nuuca ballistic ah

Kuuriyada Waqooyi ayaa tijaabisay gantaal nuuca ballistic ah, xilli Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ay ka digayeen horumarinta hubka Nukliyeerka ee Xukumadda K.waqooyi.

Saraakiil ka kala tirsan dalalka Kuuriyada Koonfureed iyo Japan ayaa sheegay in gantaalka Ballistic ah oo ku dhacay meel u dhow badda Japan.

Kuuriyada Waqooyi ayaa dardar galineysa in ay tijaabiso gantaalada riddada dheer ee xambaarada hubka Nukliyeerka.

Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed oo aad uga soo horjeeda maamulka Kuuriyada Waqooyi ayaa ka digay tillaabada Tijaabada gantaalada, iyaga oo tilmaamay uu imaan karo isku dhac.