Muqdisho-KNN- Madaxweynaha Dalka Kuuriyada wuqooyi ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Gantaal ay Isniintii Dowladiisa ay dul marsiisay hawada dalka Japan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladiisa ay uga jawaabeysay dhoolatuska millatari ee ay ciidamada Mareykanka iyo Kuuriyada Koofureed dhawaan sameeyeen meel ku dhaw Xuduuda labada dal.
Wakaaladda Wararka Kuuriyada Waqooyi ee loo soo gaabiyo (KCNA) ayaa ka soo xigatay hogaamiyaha dalkaasi Kim Jong Un in gantaalka ay rideen uu ahaa tallaabo ay milatariga Kuuriyada Waqooyi u qaadeen howlgalka badda baasifiga loogana Jawaabayo hanjabaada maraykanka.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa Talaadadi ku hanjabay in ay miiska u saaranyihiin dhamaan qorshayaasha ku aadan jawaabta uu Mareykanka ka bixin doono gantaalka ay Kuuriyada Waqooyi ka dul ridday dalka Jappan.