Somali News

Kuuriyadda Woqooyi oo sameeyneeyso Gantaal cusub

Muqdisho-KNN-Kuuriyadda Woqooyi waxay u muuqatan inay dhiseeyso gantaallo cusub oo balaastik ah kadib Xiriirkii diiranaa ee dhexmaray xukuumadaha Washington iyo Pyongyang.

Washington Post  ayaa saraakiil mareeykan ah oo aan la magacaabin kasoo xigatay in dayax gacmeed Basaas ah uu arkay shaqooyin ka socda goob u muuqata in gantaaladda lagu soo saaro.

Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa masuul ka soo xigatay in aysan caddeeyn inta shaqadu ay socotay.

Madaxweeynaha Mareeykanka Donald trump Bishii Jun waxaa la kulmay Hugaamiyaha Kuuriyadda Woqooyi Kim Jong-un.

Kadib markii uu dhacay kulankoodii ugu horreeyay labada Hugaamiye waxay balanqaadeen Hubdhigis Nuclear.