Somali News

Kuwait oo mamnuucday ka ganacsiga dhuxusha Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Dowladda Kuwait ayaa suuqyada dalkaas ka mamnuucday ka ganacsiga dhuxusha Soomaaliya, sida lagu sheegay war kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Kuwait oo ay warbaahinta maxaliga ah baahisay.

 Sida ku xusan warka Wasaaraddda Ganacsiga Kuwait waxaa sidoo kale lamamnuucay in Soomaaliya  dhuxul laga dhoofiyay dalkaasi loo iib geeyo.

Sababta ayaa wasaaraddu ku sheegtay in dhamaalaha laga sameeyo dhuxusha Soomaaliya Al-shabaab lagu maal geliyo islamarkaana ay qayb muhiim ah ka qadato dhaq-dhaqaaqa argagixisadda.

Warkaan ayaa soo gunaanada suuq muhiim ah oo dhuxa Soomaaliya ay ku lahayd Khaliijka, balse weli waxaa jira dalal badan oo ogol in loo iib geeyo dhuxa Soomaaliya.

Imaaraadka Carabta iyo Iran ayaa weli ah suuqyo uu ka jiro dalabka dhuxusha Soomaaliya.

Qaramadda midoobay ayaa Sanadkii 2012kii xayiraad kusoo rogtay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya iyadoo u sababeysay in ay Al-shabaab ka sameeyaan malaayiin doolay oo ay ku maal geliyaan howlahooda Soomaaliya.

Markii ay Qaramada Midoobay mamnuucistaan soo rogeeysay ayey sheegtay in Al-shabaab $25 million sanadkii ka helaan dhoofinta dhuxusha Soomaaliya.