Somali News

Kuwait oo xiratay xaduudaheeda si loo xakameeyo COVID-19

Kuwait cirty-KNN-Dawlada Kuwait ayaa ku dhawaaqday inay xaduudaheeda oo dhan ay xirtay si ay uga hortagto fiditaanka xanuunka Karoona

War kasoo baxay aqalka boqortooyadda ayaa lagu sheegay in la xirayo xaduudaha dhulka badda iyo hawadaba waxaana la joojinayaa dhamaan safarada intaas ku yimaada.

Kulan gaar ahaa oo ay iskugu yimaadeen wasiirada dalkaas ayaa lagu go’aamiyay in la xadido socodka dadka gudaha dalkaas si uu xanuunkaan u faafin.

Wasaaradda caafimaadka Kuwait war ay soo saartay waxay ku sheegtay in 24,kii saac ee lasoo dhaafay dalkaas laga helay 900 oo kiis.

Si guud in ka badan kun ruux ayaa xanuunka Karoonka ugu geeritootay dalka Kuwait.