Somali News

La taliyaha sare ee Madaxweyne Trump oo iscasishay

Kellyanne Conway ayaa shaaca ka qaadday xilka la taliyenimo ee ay u haysay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iney iska casishay.

Mrs Conway oo iscasilaaddeeda warmurtiyeed ka soo saartay waxay sheegtay dabayaaqada bishan August iney xilka ka tageyso si ay carruurteeda “hooya wanagsan ugu noqoto oo ay daryeel wanaagsan u siiso.”

Seygeeda George, oo madaxweynaha si weyn u dhaliiilana wuxuu sheegay inuu ka fariisanayo dhaqdhaqaaqa siyaasadda.

Waxayna intaa ku dartay go’aanka ay gaartay inuu yahay “mid ay gabi ahaanba iyadu dooratay”, waxayna sheegtay qorshaheeda xiga iney dhawaan shaacin doonto.

Mrs Conway ayaa la filayey iney ka hadashao shirweynaha qaran ee xisbiga Jamhuuriga dabayaaqada toddobaadkan balse lama oga oo khudabad jeedin doonto iyo iney go’aankeeda xil ka tagista ay ku adkeysaneyso.