Uncategorized

Laamaha Amaanka oo sheegay in ay bilaabanayaan Howlgallo lagu xaqiijinayo Amaanka Muqdisho.

Muqdisho-KNN-Kadib kulan deg deg ahaa oo ay maanta yeesheen Ra’iisulwasaare Xasan Cali kheyre , Wasiirka Amniga ee Xukuumda , Wasiirka Cadaalada , Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ,Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya iyo Saraakiil Ciidan ayaa lagu sheegay in caawa magaalada Muqdisho ay ka bilaabanayaan Howlgallo lagu xaqiijinayo Amniga.

Kulanka diirada lagu saaray Amaanka magaalada  Muqdisho ayaa waxaa shir gudoominayay Ra’isulwasare Xasan Cali Kheyre iyadoo lagu go’aamiyay in xaafadaha magalada loo baaro guri guri.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa  markale ku celiyey in aanan Magaalada lagu dhex arki karin Hubka Culus oo amar laga soo saaray.

Wasiir Isloow ayaa sheegay in ay dhaqan galin doonaan tallaabadaan uu tibaaxay in ay wax kaga qabanayaan Amni darada.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in Ciidamo gaar ah ay Dowladda u diyaarisay Howlgalo uu ku sheegay in lagu Xaqiijinayo Amniga Caasimadda.

Sikastaba kulankaan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo jimcihi la soo dhaafay ay magaalada Muqdisho ku geeriyoodeen inkabadan 40-qof kadib weeraro ay Al-shabaab ku qaadeen meelo u dhaw madaxtooyada Soomaaliya iyo Xarunta Nabad-Sugida.