Muqdisho-KNN-Labada ergo ee Falastiin iyo Israa`iil u fadhiya Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kulan ka yeesheen xaalada cakiran ee ka taagan magaalada Barakeysan ee Gaza.
Labada xubnood ayaa isdhaafsaday hadalo kulul, warqad uu ergeyga Falastiin u gudbiyay gollaha ammaanka waxa uu ku cambaareeyay falalkii gumaadka ahaa ee ciidamada Yuhuuda ay u geysteen shacabka reer Falastiin.
Ergaga Falastiin ee Qaramada Midoobey ayaa waxa ka dhacay Gaza ku tilmaamay xasuuq ba’an oo Israa’iil ay ka geysatay marinka Qaza.
Balse ergeyga Israa’iil ayaa sheegay in wixii ka dhacay xadka aysan ahayn oo keliya dibadbaxyo balse ay ahaayeen mudaharaad rabshado watay.
Marinka Qaza qoysaska ayaa waxa ay aasanayeen tobonnaan qof oo ay Israa’iil toogasho ku dishay kaddib mudaharaadyo ka dhacay xadka magaalada Barakeysan ee Gaza.