Somali News

Laba qofood oo lagu dilay deegaan ka tirsan G/Mudug

Gaalkacyo-KNN-Wararka aan ka heleyno deegaanka Saaxo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in laba qof oo shacab ah halkaas lagu dilay.

Dilka labadaas ruux ayaa dhacay saqdii dhexe ee xalay, waxaana geystay koox hubeysan oo goobta isaga baxsatay.

Labada qofood ee la dilay ayaa ka mid ahaa dadka deegaanka Saaxo, waxaana loo maleynayaa sababta loo dilay inay la xariirto aano qabiil.

Ciidamada xasilinta gobolka Mudug iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolkaas ayaa gaaray deegaanka Saaxo oo xalay dilkaas uu ka dhacay, waxaana halkaas ka bilaawday howlgallo lagu baacsanayo dadkii geystay dilka labadaas qof.