Somali News

Labada Gole ee Baarlamaanka oo ka dooday Wax ka badalka Dastuurka

Labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, iyaga oo dood ka yeeshay Habraaca wax ka badalka Dastuurka dalka.

Kulanka ayaa waxaa si wadajir ah u guddoomiyay
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehliyaan ku xigeeennada labada Gole.

Ajandaha kulankaan oo ahaa akhrinta iyo ka doodista habraaca wax ka bedelka dib u eegista Dastuurka KGM ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista dastuurka ee labada Aqal BJFS

Ugu horrayn kulanka Xildhibaan Xuseen Iidow iyo Xoghayaha Guddiga Senator Siciid Cabdi Xuseen, ayaa fadhiga Golaha ka hor akhriyay Warbixinta iyo habraaca wax ka bedelka Dastuurka Federaalka, iyadoo intaas kadib Xildhibaannada labada Golee Baarlamaanku ay mid mid u dul istaagay qodobo dhowr ah oo muhiim u ah hanaanka qabyo tirka Dastuurka iyo sida ay tahay in habraaca loo maro.

Doodda Xildhibaannada oo dheeratay kadib waxaa Guddoonku go’aamiyeen maalinta berri ah la isugu soo laabto kulanka si halkiisa looga sii wado akhrinta Habraaca wax ka bedelka Dib u eegsita Dastuurka KMG ah ee JFS.