Somali News

Labada Kuuriya oo dib u mideynaya Qoysas kala maqnaa.

Muqisho-KNN-Koox Waayeello ah oo u dhashay Wadanka Kuuriyadda koofureed ayaa u safraya Kuuriyada Woqooyi si ay u arkaan qaraabadooda oo aysan arkin tan iyo Dagaalkii Kuuriya ee dhacay 1950-1953kii.

Dagaalka ayaa Gacanka Kuuriya waxaa uu uga tagay kala qaybsanaan, Dadka ku noo, Woqooyiguna ma aysan awoodin in ay ka tagaan.

Laakiin Labadda Kuuriya oo farsamo ahaan wali dagaal ku jira ayaa horay u Abaabulay dhacdooyin dib u mideyn ah, laakiin midaani waa tii u horreysay mudo sadax sano ah.

Kuuriyadda koofureed waxay Dadku Dooranayaan Waqti iyo nasiib- Qofka ugu da’da weyn ee ku guuleystayna waa 101 sano.

 83 ruux oo kuuriyadda Woqooyi ka imaanaya iyo 89 ka imaanaya Kuuriyada Koofureed aya tagaya munaasabadda ay Dadku isku arkayaan.