Baydhabo-KNN-Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa lagu amray in aysan wax mooshin ah ka keeni karin xukuumadda Cabdicasiis Lafta-Gareen, kaddib kulan maanta la iskugu yeeray.
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen oo maanta hooyga uu ka daganyahay magaalada Baydhaba qada sharaf ugu sameeyay dhamaan xildhibaanada maamulka ayaa ku amray in ay shaqadooda si ku meel gaar ah u sii wataan maadaama uu dhamaaday waqti xileedkoodii, mudadaasna aysan isku howli karin mooshin ka dhan ah xukuumadda.
Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed oo uu dhamaaday waqtigii xilheyntooda ayaa muddoyinkii dambe ku howlanaa raadinta in loo sameeyo waqti kordhin, waxaana ola-olaha lagu raadinayay waqti kordhintooda hormuud ka ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Cabdulqaadir Shariif Shiikhunaa Maye.



